Waxaa ka jirta murugo aad u weyn gudaha qolkan, halkaas oo boqollaal qoys ay sugayaan in meydadka la aqoonsado. Qaarkood dhaawacyadoodu waa intaa le’eg in aan xitaa jinsigooda la garan karin.
Dadku halkan waxay ku waayeen raggoodii, dumarkoodii, carruurtoodii, iyo awoowayaashoodii—qaar badan waxay lumiyeen xubno badan oo qoyska ka mid ah. Badankood waxay kasoo noqdeen fasax ay ugu dabbaal-degayeen Kirismaska Thailand.
Nin oday ah oo aan la hadalnay, Maeng Gi-su, 78 jir ah, ayaa sheegay in wiilkiisa adeerka iyo labada wiil ee uu dhalay ay diyaaradda saarnaayeen.
Waxay u safreen si ay ugu dabaal-degaan guusha wiilka ugu yar oo tijaabada gelitaanka jaamacadda gudbay, ayuu iigu warramay. Aabbahood ayaa ku qaaday safarkaas hadiyad ahaan. “Ma rumaysan karo in qoyska oo dhan uu si fudud u baaba’ay. Qalbigu aad buu ii xanuunayaa,” ayuu yiri.