Diyaarad ku burburtay Garoonka Caalamiga ah ee Muan ee Kuuriyada Koofureed ayaa dishay 179 qof. Laba qof oo badbaaday, kuwaas oo ahaa shaqaalaha duulimaadka, ayaa ka fakaday shilka diyaaradeed ee ugu xumaa abid ee ka dhaca dalkaasi.
Diyaaradda Boeing 737-800 oo ay maamuleysay Jeju Air ayaa sidday 181 qof oo ay ku jiraan lix shaqaale ah, waxaana ay ka timid magaalada Bangkok ee dalka Thailand.
Mid ka mid ah dadkii badbaaday ayaa soo miyirsaday oo la hadlay dhakhaatiirta.
Nin oday ah oo adeer u ah saddex qof oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda, ayaa yiri: “Ma rumeysan karo in qoyskii oo dhan uu ka dhintay, qalbigaygu aad buu ii xanuunayaa.”
Muuqaallo laga soo duubay goobta shilka ayaa muujinaya diyaaradda oo ka baxday wadada diyaaradaha kadibna ku dhacday derbi, iyadoo dab qabsaday.